Vår politik – somaliska

Salaan

13-ka Sebtembar waxaa Sweden ka dhacaya doorashoo!
Waa muhiim inaad tagto oo aad codkaaga dhiibato!

Annaga oo ah xisbiga Socialdemokraterka ayaa maamula degmada Linköping. Sannadihii u dambeeyay waxaan xoogga saarnay:
In dhalinyaro badan ay helaan shaqooyinka xagaaga/sommerka

  • Kor u qaadidda ammaanka iyadoo la kordhinayo kaamirooyinka iyo ilaalada amniga
  • Maalgelin dheeraad ah oo lagu taageerayo ururrada iyo xarumaha ciyaaraha iyo madadaalada

Haddii aan ku guuleysanno doorashada degmada Linköping 2026, waxaan doonaynaa:
In la abuuro fursado shaqo oo badan, tuusale ahaan iyadoo la kordhinayo goobaha tababarka iyo waxbarashooyin ku habboon. 

  • In shaqooyin mushahar leh oo waqti kooban ah loo abuuro ardayda fasallada 8–9 si ay khibrad shaqo u yeeshaan
  • In adeegyada degmada si weyn looga hirgeliyo Skäggetorp, Ryd iyo Berga
  • In la xoojiyo ammaanka iyo daryeelka deegaanka
  • In la sii xoojiyo taageerada ururrada iyo isboortiga

Yaa cod bixin kara?
Haddii aad tahay muwaadin Iswiidhish ah oo aad gaartay da’da 18 sano ugu dambayn maalinta doorashada, waxaad xaq u leedahay inaad ka qayb gasho doorashada baarlamaanka, gobolka iyo degmada.

Haddii aadan ahayn muwaadin Iswiidhish ah, balse aad ku noolayd Sweden ugu yaraan 3 sano oo aad ka diiwaangashan tahay Linköping, isla markaana aad buuxisay 18 sano ugu dambayn maalinta doorashada, waxaad xaq u leedahay inaad ka qayb gasho doorashada gobolka iyo degmada.